Madaxweyne Xasan oo Mareykanka u aadaya ka hor taga damaca aqoonsi raadiska ah ee Somaliland

Madaxweyne Xasan oo Mareykanka u aadaya ka hor taga damaca aqoonsi raadiska ah ee Somaliland
View on original source
Category: Politics
Share
Archive
Like
Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 20-ka bishaan waxaa lagu wadaa inuu gaaro Magaalada New York ee Dalka Mareykanka halkaasoo uu kulamo kula yeelan doono masuuliyiin Mareykan ah. Madaxweynaha waxaa kaga hormari doona New Yorka Wafdi isaga hor u dhac u ah oo uu hogaamin doono Ra,iisul wasaare ku xigeenka Somaliya Saalax Axmed Jaamac ,ujeedka socdaalka ayaana lagu sheega inuu yahay ka hor taga qorshaha aqoonsi raadiska ah ee Maamulka Somaliland uu ku howlan yahay. New Yorka waxaa maalmo ka hor tagay Hogaamiyaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro kaasoo dadaal badan ugu jira sidii uu Mareykanka uga codsan lahaa inay Maalmulkooda u aqoonsadaan Dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale. Maamulka Somaliland waxay aqoonsi raadinayaan ku dhawaad 40 sano mana jirto cid ilaa iminka aqoonsatay sababtuna waa in Maamulka Somaliland yahay hal reer oo ka mid ah Soomaaliweyn. XAFIISKA WARARKA SIYAASADA DAYNIILE.COM

(0)Comments

 

A note on cookies

Newshunt uses essential cookies to keep you signed in and to remember your language and country, so the site works the way you expect. With your permission, we'd also like to use analytics cookies to understand how people use Newshunt and improve it over time.

Accepting only affects analytics. To learn more, view our Privacy Policy or Terms & Conditions.